Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso, ayaa sheegaya in gaari nooca dagaalka ee loo yaqaan Cabdi-bilaha uu shil ku galay duleedka magaalada Boosaaso.
Gaarigaasi ayaa waxaa la socday xiliga uu shilka galaayay Ciidamo ka tirsan Milliteriga, gaar ahaan qeybta badda waxaana shilkaasi ku dhintay ilaa 2 askari.
Shilka ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay 10 askari oo kamid ahaa kuwii la socday gaariga.
Shilka kadib ayaa waxaa dhaawacyada loo soo qaaday isbitaalka guud ee magaalada Boosaaso, waxa ayna Saraakiisha Caafimaadka sheegen in dhaawacyada qaar ay fudud yihiin qaarna ay yihiin kuwo jajaban.
Gaariga shilka galay ayaa la tilmaamayaa inuu kasoo amba baxay deegaanka Sugurre ee gobalka Bari, waxa ayna ku soo wajahnaayeen magaalada Bosaso.
Maamulka Puntland kama aysan hadal shilkaasi, inkastoo Mas’uuliyiin iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka ay booqdeen Isbitaalka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

