Xog: Xil ka qaadista Ilka-Xanaf, Xasan ma maanta ayuu saxsan yahay mise shalay? (DHAGEYSO).!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Oraah Soomaaliyeed ayaa ahayd. Hal Xaaraan ah, Nirig Xalaal ah ma dhasho. Ujeedka aan u soo qaatay oraahdan ayaa ah, in aay quus ka noqdaan inta yar ee rajada ka qabto xildhibaanada JFS ee maanta jira, waxaanan ilaah ka baryeeynaa in gebi ahaantoodba aanay dib danbe noogu soo noqon.

Xildhibaanda JFS ayaa hormuud ka ah musuqmaasuqa baahan ee ka jirta dhammaan hay’adaha dowliga ah, iyo iyagoo aan wax dan ah ka lahayn in aay ilaaliyaan midnimada, jiritaanka iyo sharafta qaran Soomaaliyeed. Intooda badan ayaa u shaqeeya shisheeya ku haminaya in aay gobol-gobol u kala gooyaan Soomaaliya.

Haddaba haddii aan dib ugu soo noqdo qormada hadalkan ayaan waxaan diirada ku saarayaa bal in shacabka Soomaaliyeed aay dhagahooda ku maqlaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ma maanta ayuu saxsan yahay, mise shalay. Madaxweynaha ayaa aad uga hadlay arrimaha garsoorka bishii febraayo ee sanadkan 2016, isagoo markaa carrabka ku dhuftay sida sharciga uu qabo in aanu xil ka qaadis ku sameyn karin garsoorka dalka, gaar ahaan guddoomiyaha maxkamadda sare.

Madaxweyanaha ayaa ku celcelyay “aniga nin tuug ah oo maxkamadda fadhiya xil kama qaadi karo oo sharciga iima ogola” Madaxweynaha ayaa sheegay in wax aan qawaaniin ku saleysneyn ama shuruuc lahayn qofka sameynaya dowladnimo ma aha”

Bal adigana dhageyso – Madaxweynaha ma maanta ayuu saxsan yahay mise shalay ayuu saxsanaa.

[su_audio url=”http://av.voanews.com/clips/VSO/2016/02/20/3b578ccd-7faf-4885-b24f-9c0f50f357c1.mp3″]

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com