Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa sheegaya in halkaasi ay ku wada dagaalameen Ciidamada milliteriga Dowlada Somalia ee halkaasi ka howlgala.
Dagaalka ciidamada u dhexeeyay ayaa ka dhacay xaafada Xaawo Taako degmada Afgooye, waxaana la soo sheegayaa in Dagaalka uu ahaa mid u dhexeeyay Guutada 5-aad ee ciidamada.
Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay hal askari, halka qof shacab ahna uu dhaawac kasoo gaaray dagaalka.
Dhaawacyada ayaa waxaa la geeyay isbitaalka degmada Afgooye, iyadoo goobta ay wax ka dhaceen jawigeeda hada uu yahay mid degan.
Dhanka kale, waxaan Dagaalka ka hadal maamulka Degmada iyo Saraakiisha ciidamada dowladda.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

