28.9 C
Mogadishu
Thursday, January 15, 2026

Uganda oo ku hajabtay inay ka baxeyso AMISOM

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Uganda ayaa lagu wadaa in dib u eegis ay ku sameyso ciidanka ka jooga Somalia iyo Jamhuuriyadda Afrikada dhexe, taasi oo suurtagal ah inay kala soo baxdo ciidankeeda.
Xogta ay Dowlada Uganda uga fiirsaneyso ciidanka ka jooga Somalia, ayaa waxaa laga soo xigtay Korneel Paddy Akunda oo ah Afhayeenka ciidamada dalka Uganda.

Korneel Paddy Akunda, ayaa xogtaasi ku daabacay bartiisa twitter-ka, isaga oo sheegay in Dowlada Uganda ay ku adag tahay in Ciidamadeeda ay kasii howlgalaan Somalia, hadii aysan helin xuquuqdooda.

Korneel Paddy Akunda, waxa uu sheegay in Dowlada Uganda aysan weli qaadanin go’aan ay kula baxayso ciidankeeda balse ay samaynayso dib u eegid ku saabsan ka mid ahaanshaha AMISOM.

Hadalka Afhayeenka ayaa ka dambeeyey markii mid ka mid ah shabakada warbaahinta waddankaasi oo soo xiganaysa saraakiil magacooda qariyey ay sheegeen in Taliska ciidamada Uganda ay doonayaan inay la baxaan ciidankooda jooga Soomaaliya.

Geesta kale, Dowlada Uganda ayaa horay ugu hanjabtay inay la baxayso ciidankeeda haddii guddi ka socday QM ay ku eedeeyaan inay taageerto jabhadda M23 ee dalka Congo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News