25.8 C
Mogadishu
Wednesday, January 21, 2026

Xasan & Jawaari oo Ilka-Xanaf ku haysta arrintii..

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha BFS Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa fowdadii ka dhex dhacday Xarunta Baarlamaanka Somalia ku eedeeyay Ex Guddoomiyihii Maxkamada Sare Caydiid C/llaahi Ila-xanaf.

Guddoomiyaha BFS Jawaari ayaa madaxweyne Xassan ku wargaliyay in Ilka-xanaf uu lahaa Mas’uuliyada fowdadii ka dhacday maalintii Khamiista Xarunta Baarlamaanka taasi oo laga qariyay Saxaafada.

Jawaari waxa uu sheegay in kulankaasi ay Xildhibaanada fowdo sameeyen sidaana ay sabab u aheyd in Xildhibaanada la kala diro iyaga oo aan ka doodin xil ka qaadista Ilka-xanafa, waxa uuna carab dhabay in Saxaafada uu ku raali galiyay in kulanka uu u baaqday Kooram la’aan, hayeeshee uu arrinku sidaa ka fogaa.

Ilka-xanaf oo eedaasi lasoo gaarsiiyay ayaa iska fogeeyay in wax lug ah uu ku lahaa fowdada kulankaasi la sheegay in Kooram la’aan u baaqday.

Xassan Sheekh ayaa bilihii ugu danbeeyay ku kacsanaa Ilka-xanaf, isaga oo uga cabsi qabay in doorashada uu qalalaaso ka galsho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News