Garoowe (Caasimada Online) – Banaanbaxan oo uu soo qaban qaabiyay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta wuxuu ka dhacay Fagaaraha Daljirka Daahsoon ee Magaalada Muqdisho.
Boqolaal Dadweyne ah oo la soo abaabulay, islamarkaana sita Boorar ay ku qoran yihiin erayo kala duwan ayaa isugu soo baxay Fagaaraha daljirka, waxaana la adkeeyay ammaanka goobta Banaanbaxa uu ka dhacaayay.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale oo goobta ka hadlay ayaa sheegay ujeedka Banaanbaxa inuu yahay taageero loo muujinaayo go’aankii Madaxweynaha uu xilka uga qaaday Guddoomiyihii Maxkamada Sare ee dalka Ilka Xanaf.
Sidoo kale Banaanbaxa ayaa lagu taageeray howlgalada Ciidamada Qalabka sida ay ka wadaan Gobolka Sh.dhexe.
Dadkii isku soo baxay ayaa ku dhawaaqayay hadalo ay ku taageerayaan ciidamada Xooga dalka Somaliya.















