Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud Taariikhda marka ay aheyd 04.05.2016 xilka ka qaaday Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee Somalia Avv Ceydiid Cabdullaahi Ilka-Xanaf, islamarkaana magacaabay Guddoomiye Cusub ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Maamulka Somaliland.
Wasiiru Dowlaha Amniga Qaranka maamulka Somaliland Maxamed Muuse Diiriye, ayaa sheegay in maamulka micno gaar ah usameyneyso hada ka dibna arimahaa oo kale ay ka fiirsan doonaan.
Waxa uu sheegay inuu aad uga xun yahay in shaqsi xil kasoo qabtay maamulka Somaliland hadana uu iska dhiibo magaalada Muqdisho, isaga oo halkaasina looga dhiibay xil kale, waxa uuna carab dhabay in Somaliland ay si gaar ah isaga eegi doonto dadka aan laheyn mabda’a.
Maxamed Muuse Diiriye, waxa uu sheegay in aragti ahaantiisa ay tahay in Ibraahim Iidle Suleymaan uusan markiisa hore aaminsaneyn qadiyada maamulka, balse taasi ay waji cusub u fureyso Somaliland.
Ibraahim Iidle Suleymaan ayaa inta aan loo magacaabin Gudoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare ee dalka iska casilay Garyaqaanka Guud ee maamulka Somaliland oo uu hayey muddo ku dhow 5 sano, si uu u qabto xilka iminka loo magacaabay.
Dhanka kale, labada Gole ee DFS ayaa waxaa xilal dhowr ah ka haya shaqsiyaad kasoo jeeda maamulka Somaliland, inkastoo maamulka uu goor waliba ku halaaqo inay ka go’ayaan Somalia inteeda kale, ayaa waxaa hadana caqabad ku ah shaqsiyaadka kasoo jeeda dhulkaasi ee xilalka ka haya Dowlada Somalia.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

