Nairobi (Caasimada Online) – Labo dhaqtar oo la sheegay iney xiriir la leeyihiin kooxda Daacish ee ka dagaalanta Somaliya ayaa la sheegay in madaxooda la dul dhigay ku dhawaad 20 kun oo doolar, kadib qoraal kasoo baxay taliska booliska ee dalka Kenya.
Axmed Xiish iyo Faarax Dagane oo ah labada ruux ee lala xiriiriyay Daacish ayaa la sheegayaa iney ku sugnaayeen oo ay ka howgali jiraan deegaan ku yaala waqooyi Galbeed dalka Kenya oo lagu magacaabo Kitaale.
Labada dhaqtar ayaa la sheegay iney ka baxsadeen halkii lagu yaqaanay, iyaga oo ka cararay howlgalada booliska, maadaama ay ka warheleen in laamaha amaanka Kenya ay ku raadjogaan lana qabtay rag ay saaxiibo dhow ahaayeen.
Booliska dalka Kenya ayaa sheegay in labada ruux ee la doon doonayo la dul dhigay qof kastaa lacag gaareyso 20 kun oo doolar, waxaana la siin doonaa qof kastaa oo soo sheega macluumaad shaqsiyaadkaasi la xiriira.
Dhinaca kale, Taliyaha Boliska Kenya, waxa uu sheegay in la qabtay Eedeysanaha xaaskiisa oo lagu magacaabo Nuseyba Maxamed Xaaji oo arday ka ahayd Jaamacadda Kampala International University lagu qabtay gudaha dalka Uganda.
Waxaa kaloo lala qabtay gabadh kale oo ay saaaxiibo ahaayeen oo magaceeda lagu sheegay Faaduma Maxamed Xaashi.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

