Muqdisho (Caasimada Online) – Ceydiid Ilko Xanaf oo xil ka qaadis uu ku sameeyay madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sida ilo xog ogaal ah inoo sheegeen wuxuu wadahadal la galay dowlada Soomaaliya, wahadalkaasi oo ku saleysan sidii uu u wareejin lahaa xilka iyo gaadiidka ilaalada u ahaa.
Muddo 11 sano ah ayuu ceydiid Ilko-Xanaf ahaa gudomiyaha maxkamada sare ee dalka Soomaaliya, waxaana wararka ay sheegayaan inuu beeniyay in xildhibaanada buuqa ka dhex abuuray baarlamaanka inuu isaga ka dambeeyo.
Sidoo kale, waxa uu codsaday inaan laga xaniban Safarka, isla markaana uu diyaar u yahay inuu soo bandhigo shuruudo isaga u gaar ah.
Dhinaca kale, Guddoomiyihii Maxkamadda Gobalka Banaadir, ayaa isagana sheegay inuu raalli ka yahay xilka uu Madaxweynuhu ka qaaday, wuxuuna sheegay inuu Hawlaha Maxkamadda ku soo dhex jiray muddo 36 sanno ah.
Madaxweynaha waxa uu xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka u magacaabay Dr. Ibraahim Iidle C/raxmaan oo horey u ahaan jiray Garyaqaanka Guud ee Maamulka Somaliland.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

