30.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 26, 2026

Xog cusub: Mooshin laga diyaarinayo Xasan Sh.

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mida xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa bilaabay qorshe lagu qorayo Mooshin ka dhan ah Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku saabsan xil ka qaadistii uu ku sameeyay guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ceydiid C/llaahi Ilkanaxaf.

Xildhibaanadan oo hore u dalbaday kulan degdeg ah oo baarlamaanku ka yeesho arrintaasi ayaa laga fashiliyay kulankaasi Khamiistii, markii xildhibaano badan ay ka baaqsadeen inay xaadiraan, taasoo keentay in kooram la’aan u furmi waayo kulanka.

Mooshinka cusub ee qoraalkiisu socdo ayaa sharci darro ka dhigaya xil ka qaadista uu madaxweyne Xasan Sheekh ku sameeyay guddoomiye Ceydiid, iyadoo madaxweynaha lagu eedeeyay inuu ku takri falay awoodiisa, isla markaana aanu lahay awood uu xilka uga qaado madaxa Hay’adaha Garsoorka.

Waxaa laga cabsi qabaa in Baarlamaanka oo ku kala qeybsan arrintan uu mar kale galo xaalad muran iyo is jiidjiid ah xilli ay hor yaallaaan ansixinta heshiiska doorshada 2016, waqtiga u haray dowladduna aad u yar yahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News