27.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Xaaf oo dacwad ka dhan ah DF iyo Galmudug u gudbinaya maxkamada Hague

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan hore Axmed Ducaale Geele Xaaf ayaa si adag uga hadlay boobkii lagu sameeyay kursigii uu u tartamaayay.

Xaaf ayaa sheegay inuusan ka aamusi doonin boobka loo geystay kursiga uu u tartamaayay waxa uuna eeda boobkaasi u jeediyay DFS iyo Madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Guuleed.

Xaaf waxa uu sidoo kale sheegay in boobka aawgii uu dacwad u gudbin doono Maxkamada Cadaalada Hague si buu yiri wax looga qabto cadaalad darida ka taagan Somalia.

“Wey iga go’antahay inaan gudbiyo Dacwada waayo waxaan ka danqanayaa cadaalad darida ka jirta Somalia”

“Musuqa lagu sameeyay Doorashooyinka Aqalka Hoose waa inaan ogeysiinaa Caalamka waayo waxa Somalia ka dhacay horay ugama dhicin caalamka”

Dhinaca kale, Xaaf ayaa sheegay in Madaxda dalka ay raali ku yihiin waxa ka dhacaaya Somalia waxa uuna ku baaqay in laga dhiidhiyo Musuqa ay Madaxdu caadeysatay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News