Muqdisho (Caasimada Online) – Weerarkii xalay salaada Maqrib ka dhacay masaajid ku yaala magaalada Zurich ee dalka Switzerland ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac.
Weerarkaasi ayaa waxaa waxyeelo ay kasoo gaartay dad kala duwan oo masjidka ku dukanayay, waxaana dadkaasi kamid noqday Soomaali.
Ku dhawaad seddex ruux oo Soomaali ah ayaa la sheegay iney dhaawacyo kasoo gaareen weerarka ka dhacay masaajidka ku yaala magaalada Zurich.
Afhayeenka Ciidanka Booliska Magaalada Zurich ayaa sheegay in Masjidka uu weerar ku qaaday nin aan Muslim aheyn oo ka mid ah dadka kunool Magaalada Zurich.
Dhaawaca 3 qof ee Soomaaliyeed ayaa lagu dabiibaya isbitaalka Magaalada , waxaana la sheegaya in xaaladooda Caafimaad ay soo hagaageyso.
Ciidanka Booliska ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed ee kunool Zurich in ay is dajiyaan ,islamarkaana ciidanka ammaanka ay ku sameyn doonaan Baaritaano dheeraad ah dhacdadaani.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

