29.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Gudoomiye Jawaari oo ciyaar cusub la dheelaya Shariif Xasan

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha baarlamaanka waqtigiisa dhamaaday markalana doonaya inuu isa soo sharaxo ayaa taageero buuxda ka helay beesha uu kasoo jeedo.

Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari ayaa taageero ka helay siyaasiyiinta, aqoonyahanada, iyo waxgaradka beesha uu kasoo jeedo, kuwaasi oo ka codsaday inuu markale isa soo sharaxo.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay qorshaha Shariif Xasan uu damacsan yahay oo ah in kursiga Gudoonka Baarlamaanka uusan u tartamin ruux kasoo jeeda beelaha Digil iyo Mirifle.

Dhaliilo badan ayaa siyaasiyiinta iyo waxgaradka usoo jeediyeen Shariif Xasan, iyaga sheegay in maamulkiisa uu dhaafsiin waayay magaalada Baydhabo.

Jawaari ayaa doonaya inuu markale kusoo laabtaa xilka gudoonka baarlamaanka, taasi oo ka dhigan in Shariif Xasan uusan heli doonin xilka madaxweynaha Haddii Jawaari uu markale gudoonka qabtaa.

Jawaari ayaa SHariif Xasan ku kicinaya siyaasiyiinta iyo odayaasha beelaha Digil iyo Mirifle, wuxuuna doonayaa inuu kaga faa’ideysto fadhiidnimada maamulka Shariif Xasan oo wali aanan gaarin caasimada Baraawe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News