Gaalkacyo (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa sii kordhiyay cadowtooyada ay u qabaan shacabka deegaanada Galmudug.
Taliyaha ciidamada booliska ee gobolka Mudug ee Puntland ayaa shaqo joojin lagu sameeyay kadib markii uu dhanka Galmudug u ogolaaday iney usoo gudbaan gaadiid ku xanibnaa dhanka Puntland.
Shacabka magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in Taliye Cabdiwaaxid Cabdulaahi Warsame uu sameeyay arin naxariis ah maadaama gaadiid muddo xanibnaa uu sii daayay balse shaqo joojin loogu badalay.


