31.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Daawo sawirada: Taatikada loo dilay Safiirka Ruushka ee Ankara?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Ankara (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa taatikada loo dilay Safiirkii Ruushka ufadhiyay dalka Turkiga Andrey Karlov.

Andrey Karlov, ayaa la toogtay xili uu hadal ka jeedinayay munaasabad bandhig ahayd oo ka socotay Magaalada Ankara.

Dilka ayaa waxaa la xaqiijiyay inuu geystay Askari ka tirsan Booliska Turkiga kaa oo ku dhawaaqaayay xiliga uu dilka geysanaayay ”Allahu akbar”

Ninka dilka gaystay ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Mevlut Mert Altinas, halka da’diisa lagu sheegay 22 sano jir, sida uu shaaca ka qaaday Wasiirka arimaha gudaha Turkiga.

Wasiirka arimaha gudaha Turkiga waxa uu sheegay in Gacan ku dhiiglaha uu ahaa Askari ka tirsan Booliska magaalada Ankara gaar ahaan kuwa ka hortaga rabshadaha waxa uuna tilmaamay in xiliga uu dilka geysanaayay uu Askarigaasi ahaa mid fasax ku jiray.

Wasiirka arimaha guduhu wuxuu sheegay in Mevlut laba sano iyo bar ka tirsanaa ciidanka Booliska ee magaalada Ankara.

Mevlut ayaa Safiirka rasaasta uga hubsaday qeybaha sare ee jirkiisa waxaana la xaqiijiyay inuu ku dhuftay Shan baalooto.

- Advertisement -

Read more

Local News