Xog: Xildhibaan lagu dhex dilay madaxtooyada…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Madaxtooyada Maamulka Somaliland ayaa sheegaya in ilaalada Madaxtooyada ay jir dil u geysteen Mudane ka tirsan Baarlamaanka Somaliland.

Xildhibaanka la jir dilay ayaa lagu magacaaba Xasan Cawaale Caynaan, waxa uuna sheegay in jir dilka uu u geystay Taliyaha ciidanka Ilaaliya Qasriga Madaxtooyada Somaliland oo ka carooday hadal dhex maray mid ka mid ah askartiisa iyo xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada oo qasriga joogay.

Xilidhibaanka oo saxaafadda la hadlay isagoo ku sugan xarun caafimaad ayaa sheegay in taliyuhu u adeegsaday feer iyo laad islamarkaana uu dhulka ku dhacay.

Xasan Cawaale Caynaan ayaa codsaday in sharciga la horgeeyo Taliyaha, waxa uuna carabka ku dhuftay inaysan suuragal aheyn inuu ka raali noqdo dhaawacyo kasoo gaaray jir dilkii loo geystay.

Dhanka kale, Jir dilka ayaa imaanaya xili inta badan Ciidamada amaanka Somaliland ay meel kaga dhaca xasaanada mas’uuliyiinta Maamulka Somaliland oo iyagu gacan kalahadal kala kulma ilaalada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com