Document caddeyn ah: R/W CCC oo xaday lacag dhan $1,476,900 milyan oo loogu tala-galay in…!!

Waxaa dhowaan Baarlamaanka Soomaaliya uu su’aalo badan weydiiyay Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya, iyadoo su’aalihii ugu adkaa ay ka mid ahaayeen qodob ku saabsan lacag loo qoondeeyay xildhibaanadii dowladii KMG ahaa oo ahayd mushaaro ka maqnaa muddo saddex bilood ah, mudo dheerna soo jiitamay, lacagtaas oo dhan 1,476,900 waxaa bankiga dhexe laga saaray isla markii lagu soo shubay si loo siiyo xildhibaanadii oo aad ugu dhibaateysay magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa la weydiiyay cidda bixisay amarka ah in lacagtaas aan la siin xildhibaandii loo qoondeeyay ee siyaabo kale loo isticmaalo, wuxuuna ku gaabsaday in mas’uuyiin sare ay bixiyeen. Arrintan oo buuq badan ka dhashay ayay Guddiga maaliyadda Baarlamaanka sheegeen inuu amarkeeda lagaa Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid.

Waxaan helnay saddex qoraal dokument oo caddeynaya sida lacagtaas looga soo celiyay xisaabtii xildhibaanadii hore looga furay oo lagu waday inay qaataan, balse dib loo celiyay si loogu adeegsado arrimo kale  oo dadka qaarkii ay sheegeen inay ka mid ahaayeen olole lagu galay shirkii Gobolada Dhexe ee xiligaasi ka socday Dhuusamareeb iyo safarro.

Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid iyo Wasiirkiisa Maaliyadda Maxamed Aden Ibraahim (Fargeeti) ayaa bixiyay amarkan sida ka muuqata qoraalada hoose, waxaana tani caddeyn u tahay sida loogu tunto miisaaniyadda dalka u degsan oo madaxda sare u isticmaalaan hantida Qaranka.

HOOS KA DAAWO QORAALADA

Qoraalka 1-aad waxaa qoray agaasimaha guud ee wasaaradda Maaliyadda oo soo xiganaya amar ay siiyeen Ra’iisal wasaaraha iyo Wasiirka Maaliyadda

qoraal 1

Qoraalka 2-aad waxaa qoray Xisaabiyaha Guud oo u diray Bankiga dhexe si aan lacagtaasi loo bixin oo dib loogu celiyo

qoraal 2

Qoraalka 3-aad waa kii ka soo baxay Bankiga oo uu dib ugu soo celiyay lacagta si madaxda sare ay gacanteeda ugu dhacdo.

qoraal 3

Isha: Goobjooge