XOG: Maxaad ka taqaanaa NINKII ka dambeeyey magacaabista CC iyo xiirikiisa Kenya iyo Norway

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online, oo maalmahan baaritaan xooggan ku haysa xubnaha dowladda Soomaaliya iyo ku lug lahaanshahooda arrinta badda Soomaaliya ayaa ogaatay in magacaabistii ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid lug ku leedahay arrinta badda.

Ra’iisul wasaare Sharmaarke oo ah ninkii ugu horreeyey ee iibiyey badda ayaa waxaa dib loogu soo celiyey sidii uu u dhameystiri lahaa howshii uu billaabay, sida xog cusub ay sheegeyso.

Sida dad xog ogaal ah ay Caasimada Online u sheegeen, waxaa magacaabista Cumar ka dambeeyey nin lagu magaacbo Xasan Kheyre oo agaasime ke ah shirkad lagu magacaabo SomOil, oo arrimaha shidaalka qaabilsan.

Shirkaddan, ayaa waxa uu fadhigeedu yahay Nairobi, waxayna si aad ah ugu xiran tahay dowladaha Kenya iyo Norway. Si gaar ah Xasan Kheyre waxa uu saaxiib dhow u la yahay madaxweyne Uhurru Kenyatta iyo madaxweyne Xasan Sheekh.

Xiriirka Xasan Kheyre kala dhaxeeya Xasan Sheekh, Kenya iyo Norway ayaa fududeysay inuu si sahal uga dhaadhiciyo madaxweyne Xasan inuu magacaabo Ra’iisul Wasaare Sharmaarke.

Howshii ugu horreysay ee Sharmaarke uu qabto waxa ay ahayd inuu heshiis kula gaaro New York wakiilka Kenya ee QM, heshiiskaas oo gacanta ka bixiyey badda Soomaaliya. Halkan ka aqri.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com