Doorashada madaxweynaha GALMUDUG oo ka dhaceysa CADAADO maanta (Yaa ugu cad cad?)

Cadaado (Caasimada Online) – Waxaa maanta lagu wadaa in Magaalada Cadaado lagu doorto Madaxweynaha Maamulka Gobolada Dhexe (Galgaduud iyo Mudug), xilli ay adag tahay in la sii saadaaliyo cidii ku soo bixi laheyd. Doorashada waxaa u taagan Musharaxiin badan.

Madaxweynaha, ayaa waxaa soo dooran doona Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug, waxayna Xildhibaanadu codkoodu ku dhiiban doonaan Sanduuqa Doorashada, iyadoona ay goobjoog ka ahaan doonaan Musharaxiinta.

Wararka laga helaayo Magaalada Cadaado, ayaa sheegaaya in Tartanka Doorashada Madaxtinimada Maamulka Galmudug, ay ugu cadcad yihiin Musharaxiinta kala ah C/kariin Xuseen Guuleed, Axmed Macalin Fiqi iyo Axmed C/salaan Xaaji Aadan.

Musharaxiintan, ayaa toddobaadkii la soo dhaafay waxay abaabul xoogani ka wadeen Magaalada Cadaado, iyadoo midba midka kale uu xusulduub ugu jiro, sidii uu Doorashada ugu soo bixi lahaa.

Suxufiyiinta iyo Siyaasiyiinta ku sugan Cadaado, ayaa soo sheegaaya in saddexdaasi xubnood uu mid uun ku soo bixi doono Doorashada, haddii aynaan wax mucjiso ihi ka dhicin Cadaado, Doorashaduna uu ku soo baxo Musharax aan meeshaba laga filleynin.

Ilo wareedyo madax bannaan, ayaa sheegaaya in Xildhibaanada ay dalabyo kala duwan ka helayaan saddexda nin ee Doorashada ugu cadcad, waxaana jira ballanqaadyo loo samaynaayo Xildhibaanada.

Sidoo kale waxaa jira xubno si weyn ugu ololeynaaya Musharaxiinta, kuwaa oo la soo sheegaayo inay heshiisyo la gaarayaan Xildhibaanada. Waxaana xusid mudan in heshiisku uu qayb ka yahay lacag caddaan ah.

Cadaado waxaa Jimcihii gaaray wefdi uu horkacaayay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Federalka Somaliya, C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa), si uu goobjoog kaga ahaado Madasha Doorashada.

Doorashada maanta ka dhacaysa Magaalada Cadaado, ayaa waxay ku soo aadaysaa, iyadoo 1-dii bishan Madaxweyne lagu doortay Magaalada Dhuusamareeb, kaasoo sida la sheegay noqon doono Madaxweynaha Maamulka Gobolada Dhexe. Waxaana Madaxweynaha loo doortay Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, oo ka mid ah Madaxda Sar Sare ee Ahlu Sunada Gobolada Dhexe.

Doorashada lagu wado inay Cadaado ka qabsoomto, ayaan waxaan ku jirin xubno ka socda Ahlu Sunada Magaalooyinka Dhuusamareeb, Guriceel iyo Matabaan, kuwaa oo iyagu kal hore saluugay Doorashada Cadaado, markii uu dhicisoobay wada hadalo ay bishii June Dhuusamareeb kula yeesheen xubno uu horkacaayay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliya.

Caasimada Online ayaa insha allah toos idin kugu soo gudbin doonta doorashada marka ay billaabato.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com