Dhageyso: XILDHIBAAN ka sheekeenaya arrimo yaab leh oo ka dhacay doorashada CADAADO !!!

Cadaado (Caasimada Online) – Cabdulaahi Maalin Gaafow Aasparo, oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka maamulak Galmudug oo wareysi dheer siiyay Idaacada Risaala ee magaalada Muqdisho ayaa xaqiijiyay xog horay Caasimada Online u baahisay.

Caasimada Online, ayaa baahisay in xildhibaanada baarlamaanka maamulka Galmudug dhaqaalo badan lagu kala gadanayey waxaana arintaasi sameeyay musharixiinta ku sugan magaalada Cadaado, gaar ahaan musharixiinta ugu cad cad doorashada.

Gaafow Aasparo, ayaa sheegay iney jirto in dhaqaalo badan xildhibaanada loo balanqaaday qaarkoodna la siiyay, wuxuuna sheegay inuusan cadeyn karin cadadka dhaqaalaha la egyahay.

Hoos ka dhageyso wareysiga.

Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
Caasimada@live.com