25.3 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Xildhibaan maanta lagu dilay Suuqa Bakaaraha !!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxo hubeysan oo aan la aqoonsan ayaa xildhibaan hore ku dilay duhurnimadii maanta suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaanka ayaa ka tirsanaa baarlamaankii Kumeel gaarka ahaa, waxaana la sheegayaa in lagu dilay qeybta Cabdalle Shideeyaha ee suuqa weyn ee bakaaraha.

Kooxaha dilka geystay ayaa ka baxsaday goobta falka kadib, waxaana kadib goobta tagay ciidamo aan badneyn oo ka tirsan dowlada Soomaaliya.

Lama oga sababta dilka xildhibaankaasi hore ka dambeysay.

Magaca xildhibaanka la dilay ayaa lagu sheegay Xaaji Cali.

Wararka qaar ayaa sheegaya in xildhibaanka hore uu deganaa meel aan ka fogeyn goobta maanta lagu dilay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News