Xildhibaan Mahad Salaad: Laba Maxamed wada siman

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan golaha shacabka ayaa madaxweyne Farmaajo si weyn ugu dhaliilay inuu hub faro badan ka dejiyay degmada Beledxaawo ee Xuduudka Soomaaliya iyo Kenya, halkaas oo dhawaan la geeyay ciidamo nooc cusub ah.

Hubkan cusub oo isugu jira qoryaha AK-47, BKM iyo Garneylo ayaa loo qeybiyey ciidamo badan oo maalintii Isniintii ay dowladda federaalka ka dejisay garoonka Doolow ee gobolka Gedo.

Mahad Salaad ayaa sheegay in xiligan loo baahneyn in hub laga dejiyo Gedo, wuxuuna ku tilmaamay qorshe cusub oo madaxweyne Farmaajo ku naasnuujinayo Qoys gaar ah hubkii iyo hantidii Qaranka, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in hubkaasi ay mudneyd in qeyb kamid ah laga dejiyo Galmudug, si ay iskaga xoreeyso buu yiri Al-Shabaab, oo maalmihii u dambeeyay ay faro ba’an ku hayeen dagaal yahanada Al-Shabaab.

Ciidamada loo qeybiyay hubka oo dareyskoodu ka duwan yahay ciidamada kale ayaa waxay ku lebisan yihiin dhar cagaaran, iyada oo ay soo baxayaan warar sheegay inay yihiin ciidamadii qarsoodiga ahaa ee lagu soo tababaray dalka Eritrea.

“Hubka Farmaajo maalin walba Gedo u daabulayo Galmudug muu wax ka siiyo Shabaabka ha isaga xoraysee. Qoys hubkii iyo hantidii Qaranka lagu naasnuujiyo Soomaali horay ayay u soo aragtay, lamana mahdin ee Maxamed Farmaajo haloo sheego!” ayuu Mahad Salaad ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Waxa uu intaas kusii daray “Labo Maxamed maalmahaa u kala duwan, magacoo la badasho iyo maqsuudkana ka wada siman!”.

Hadalkan ayaa imanaya xili ay dowladda federaalka ay hub badan ka dejisay gobolka Gedo, halkaas oo loogu qeybiyay Ciidamo nooc cusub ah oo horey u geysay deegaankaas, kuwaasi oo loo sii daad-gureeyay xuduudka Soomaaliya iyo Kenya ee Beledxaawo oo ay ka howl-geli doonaan.