Nin Tiyaatarka isku qarxin rabay oo xog cajiib ah bixiyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida lagu baahiyey bayaan ka soo baxay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, Xasan Cabdullaahi Aadan oo qorsheynayey inuu isku qarxiyo Tiyaatarka Qaranka ayaa lagu qabtay isgoyska Ex Control Afgooye ee magaalada Muqdisho, isaga oo wata jaakadda qaraxda.

“Diifta ka muuqatay darteed ayay ciidamada amniga uga shakiyeen, waxayna dhalisay baaris kadib, in laga dhex helo boorsadiisa Jaakadda qaraxda, isla xilligaasi ayay ciidamada amniga u gacan geliyeen hoggaanka barista hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka. Baaritaan dheer kadib Xasan Cabdullaahi Aadan waxa uu qirtay in mudo sanad ka badan uu ka tirsanaa Al-Shabaab,” ayaa lagu yiri qoraalkan ka soo baxay maxkamadda ciidamada.

Cabdullaahi Aadan oo la qabtay bishii June ee sanadkan ayaa sanadkii 2018-kii Al-Shabaab uga biiray deegaanka  Buur-Dhuxunle ee gobolka Bakool, waxaana looga dhaadhiciyey inuu is qarxiyo deegaanka Ugunji oo u dhow deegaanka Jannaale ee gobolka Shabeellada Hoose, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay maxkamadda.

Maalin ka hor inta aan la qaban ayaa eedeysane Cabdullahi la geeyey dhismaha Tiyaatarka Qaranka, si uu isugu qarxiyo, balse intii uu u soo socday ayuu fashilmay qorshihiisii is-qarxinta, kadib markii lagala degay gaari BL ah, xilli uu magaalada Muqdisho ka soo gelaayey dhanka koofureed.

“Eedeysane Xasan Cabdullaahi Aadan ayaa Maxkamadda horteeda ka sheegay in u jeedkiisu ahaa inuu isku Qarxiyo meel loogu sheegay in ay tahay xarun ay degan yihiin Ciidamo Dharcad ah, laakiin tilmaanta uu bixiyey ayaa Muujineysa in u jeedkiisu uu ahaa Tiyaatarka Qaranka,” ayaa lagu yiri qoraalka maxkamadda.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ku dhawaaqay xukunka maxkamadda ayaa sheegay in Xasan Cabdullaahi Aadan lagu xukumay Xabsi Daa’in. Isla markaana uu mudo 30-cisho ah xukunkaas uga furanyahay racfaan.