Kheyre oo shaaciyey waxa dhacaya haddii DF qabato doorasho aan lagu heshiin

Muqdisho (Caasimada Online) – Musharrax madaxweyne Xasan Cali Khayre, oo xalay khudbad ka jeediyay kulan ay Midowga Musahrrixiintu Muqdisho ku yeesheen, ayaa diginin xooggan ka bixiyey qorshaha doorasho ee ay waddo dowladda federaalka.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa caddeeyay in lagu jiro xilli adag, lagana welwelsan yahay mustaqbalka dalka maadaama ay taagan tahay xaalad cakiran oo la xirrirta doorashada dalka.

Waxa uu ka jawaabayey go’aan shalay kasoo baxay guddiga doorashooyinka ee lagu murasan yahay, kaasi oo ay ku dejiyaan jadwal doorasho oo ka billaabanay 26-ka bishan December, inkasta oo aysan caddeyn halka ay ka hirgelinayaan.

Khayre ayaa shacabka Soomaaliyeed xasuusiyay dhibaatooyinka ay reebaan doorashooyinka lagu shubto, doorasho la’aanta iyo go´aan walba oo masiiri ah, oo aan si miyir qabta oo taxadar leh loo maamulin, kuwaasi oo uu sheegay inay dhaawacayaan soo kabashada dowladnimada, saameynna ku yeelanayaan mustaqbalka ummadda iyo nolosha bulshada.

“Haddii aanay Soomaalida ku heshiin nidaamka doorashada ka hor inta aysan dhicin doorashada, kuma heshiin doonaan natiijada kasoo baxda doorashada iyo guud ahaan wadaagga dowladnimada dalka,” ayuu yiri Kheyre.

“Haddii la qabto doorasho aan wadar ogol lagu wada aheyn, waxaa ka dhalan doonta dalka dowlad aan laysla ogolayn. Dowlad aan la isla ogoleyna waxay dhalisaa siyaasad qal-qal dhalisa, siyaasadda qal dhalisana waxay dumisaa dalka.”

“Waxaa caawa dhacaya waa wixii aan ka digayey markii aan xukunka kasoo tegayey. Waxaan qarka u saaranahay inay naga hallaabaan wixii aan soo dhisnay,” ayuu yiri Xasan Cali Kheyre.

Hoos ka daawo Kheyre