Jabuuti oo war cusub kasoo saartay xiisadda ka dhex oogan Somalia iyo Kenya

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda ee Jamhuuriyadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa faah faahin ka bixiyey dadaallada ay dowladdiisu ugu jirro sidii loo heshiisiin lahaa Soomaaliya iyo Kenya oo haatan ay ka dhaxeyso xiisad aad u xoogan.

Maxamuud Cali Yuusuf ayaa sheegay in ka dowlad ahaan ay xooga saari doonaan marka hore sidii loo soo celinaa lahaa xiriirkii labada dal, si meesha looga saaray khilaafka jira.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Jabuuti ay door weyn ka qaadan doonto qaboojinta xiisadan si nabad iyo xasilooni loogu soo dabaalo gobolka.

“Waxaan aaminsan nahay in Jabuuti ay door ka ciyaarto nabadda iyo xasiloonida gobolka. Shirkii ugu dambeeyay IGAD ee ka qabsoomay Jabuuti ayaa arrintaas lagu soo hadal qaaday waana la isku waafaqay. Waxaan sii wadi doonnaa inaan dajinno xiisadda ka taagan gobolka,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda ee Jamhuuriyadda Jabuuti Maxamuud Cali.

Waxa kale oo uu hoosta ka xariiqay in beri oo Jimco ah ay Jabuuti ku wajahan wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo isugu jiro saraakiil & diblomaasiyiin, kuwaas oo uu tilmaamay inay kormeeri doonaan xaduuda magaalooyinka Belebxaawo iyo Mandera.

“Barito waxaa dalka Jabuuti imaan doona wafdi heer sare ah oo isu jira saraakiil ciidan iyo diblomaasiyiin, kuwaasi oo ka imaan doona Soomaaliya, ujeeddada socdaalkoodana waxay ahaan doontaa in la qiimeeyo xaaladda xuduudda Belebxaawo iyo Mandheera. Tani waa howl ay dalka Jabuuti u igmadeen madaxda IGAD,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiirku.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo ay dhowaan dalka Jabuuti lagu kulansiiyey madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya oo kadibna halkaasi uga qeyb-galay shirweyne ay yeesheen wadamada ku jira urur goboleedka IGAD oo looga hadlay arrimaha gobolka.