Xog: DF oo amartay in la weeraro ciidamo ku sugan laba jiho oo Muqdisho ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa dhaqan galay qeybtii ugu horreysay amar ka soo baxay dowladda Soomaaliya, kaas oo lala wadaagay saraakiisha amniga Soomaaliya, kaasi oo lagu beegsanayo saraakiil sare iyo ciidan ay wataan.

Amarkaan oo la soo saaray todobaadkii hore ayaa daba socday dagaalkii ka dhacay waqooyiga Muqdisho, waxa uuna ahaa in la weeraro ciidamo maleeshiyaad ah oo ku kala sugan degaanada Jaziira iyo Gubadley oo ku yaalla duleedyada Waqooyi iyo Koonfur ee Muqdisho.

Ciidanka booliska Soomaaliya ayaa weeraray ciidan maleeshiyaad ah oo daganaa degaanka Jaziira, waxaana xigay in habeen hore uu dagaal kooban halkaas ka dhacay. Dagaal kale ayaa sidoo shalay ka dhacay deegaanka Jazeera, kaasi oo dhex-maray isla ciidamada booliska iyo ciidan beeleedkii xalay la weeraray.

Wali dowladda kuma dhiiran weerarka ciidanka ku sugan meelo badan oo ka mid ah waqooyiga Muqdisho, kuwaasi oo la rumeysan yahay inay aad uga badan yihiin ugana hubeysan yihiin kuwa Jazeera.

Hase yeeshee, ciidanka ku sugan waqooyiga Muqdisho ayaa kahor inta aan lasoo weerarin waxay shalay soo weerareen degmada Kaaraan oo qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Maleeshiyaadkaan la amray in la weeraro ayaa la sheegay in degaanada xeebta ah ay kala soo dagaan qaad badan oo laga keeno dalka Kenya, kaas oo hore dalka looga mamnuucay.

Arrimahaan ayaa magaalada Muqdisho aad looga hadal haayaa waxaana isa soo taraya cabsida laga qabo in dagaallada ka dhacaya duleedyada Muqdisho ay kusoo fidaan gudaha caasimada.

Labada ciidan ee ku kala sugan labada jiho ee weerarka loo qorsheeyey ayaa kasoo jeeda beesha Abgaal, gaar ahaan Wacbuudhan Abgaal, waxayna isugu jiraan Daa’uud, Mataan Cabdulle iyo Maxamed Muuse.