Dibad-baxyo ka dhan ah FARMAAJO oo ka dhacay Muqdisho iyo dad loo xiray

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Booliiska ayaa maanta xir-xiray qaar ka mid ah dadweyne dibad-bax ka looga soo horjeedo dowladda ka dhigay Muqdisho.

Dadweynahan oo isugu jiray haween iyo dhalinyaro ayaa isugu soo baxay qeybo ka mid ah wadada Maka Al-Mukarrama, gaar ahaan isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada ammaanka oo goobta tegay ayaa kala eryey dibad-baxayaasha oo ku qeylinayey erayo ka dhan ah madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Sidoo kale ciidankaBooliiska ayaa xabsiga dhigay qaar ka mid ah dadkii ka qeyb-galayey dibad-baxa, kuwaas oo lagu xiray saldhigga Booliiska degmada Waabari.

Dibad-baxayaasha ayaa ka soo horjeeda hanaanka ay dowlada u wajaheyso doorashada, iyagoo ku qeylinayey ‘waxaan rabnaa doorasho xor iyo xalaal ah’ & erayo kale.

Banaan-baxan ayaa ku soo aadaya, iyada oo xalay Muqdisho ay shir ballaaran ku yeesheen musharraxiinta mucaaradka oo markale walaac ka muujiyey doorashada.

Muqdisho ayaa muddooyinkii dambe waxaa ka jiray dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed iyo dibad-baxyo wata rabshado, kuwaas oo looga soo horjeedo dowladda Soomaaliya.