DF oo war kasoo saartay weerarkii lagu soo qaaday magaalada Muqdisho (Aqri)

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Booliiska Soomaaliyeed, Sadiiq Adan Cali (Duudishe) oo shir jaraa’id u qabtay wariyeyaasha ayaa faah faahin ka bixiyey dagaal khasaare geystay oo shalay ka dhacay xarunta degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Saadaq Duudishe ayaa sheegay in dagaalkaasi ay ka dambeeyeen rag burcad ciidan u yaal ah oo weerar ku qaaday ciidamo ku sugnaa xarunta degmadaasi.

Afhayeenka ayaa sidoo kale tilmaamay in raggaasi ay qatar ku yihiin amniga qaranka, balse haatan lagu raad joogo, islamarkaana cadaaladda la horkeeni doono.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay dileen Ex- Dable Booliis Ciise Xasan Cismaan, iyo Dable Boolis Caamir Cabdullaahi Xiirey, ayna dhaawaceen qof kale oo shacab ah.

“Shalay 23-kii December abaare saddexdii galabnimo waxa ay burccad hubaysani soo weerartay xarunta degmada Kaaraan, halkaas ayeyna dileen qof shacab ah iyo laba xubnood oo ciidanka Booliska ka tirsan oo lagu kala magacaabi jiray EX Dable Ciise Xasan Cisman iyo Ex Dable Caamir Cabdullahi Xiireey ciidmadan ayaana shaqo maalmeed koodii qaranka ku jiray, hay’adaha ammaanka ayaana ku daba jira sharcigana ayaana horgeyn doona,” ayuu yiri afhayeenka ciidamada Booliiska Soomaaliyeed, Sadiiq Adan Cali.

Si kastaba hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo shalay ciidamo ka tirsan kuwa milatariga Somalia oo ay is hayaan dowladda ay weerareen xarunta degmada Kaaraan, waxaana ciidanka qaaday dagaalkaasi la sheegay inay ka amar qaataan Korneyl Masdile oo 20-kii bishaan gurigiisa ay weerareen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya