Xildhibaan shaaca ka qaaday arrin halis ah oo ka dhex taagan baarlamaanka federaalka SOMALIA

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Max’ed Cumar Dalxa oo kamid ah Xildhibaanada ugu madaxa fiiqan BF Somalia ayaa daboolka ka qaaday in Khilaaf xoogan uu iminka ka dhextaagan yahay Xildhibaanada Baarlamaanka.

Dalxa oo la hadlaayay warbaahinta maxaliga ah ayaa tilmaamay in mooshinno is diidan ay xildhibaanadu u kala gudbiyeen Guddoonka sare ee BF Somalia, taasina ay halis dhalisay.

Waxa uu sheegay in Xildhibaanadu ay yihiin kuwo isku mashquulsan islamarkaana u kala jabay labo garab oo ku kooban Xassan Sheekh.

Garabka koowad ayuu sheegay inay kasoo horjeedan Madaxweyne Xassan oo isagu xalaaleysanaayo kursiga Qaranka, halka garabka labaadna ay taageersan yihiin Xassan Sheekh.

Waxa uu tilmaamay inuu aad uga cabsi qabo in Xildhibaanada BF ay gacanta isla galaan waa hadii uu yiri sidaan kusii socto Khilaafka iminka taagan.

”Haddii aan laga soo laaban wadada iminka Xildhibaanadu ku socdaan waxa ay keeni doontaa in BF uu howlihiisa gabo, waayo waxaa ii muuqda heerka uu gaarsiisan yahay khilaafka taagan”

Dhanka kale, Dalxa ayaa Xildhibaanada uga digay inay ku kala fogaadan Mooshinada iska soo horjeeda waxa uuna carab dhaway in arrintaani ay khatar galineyso dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com