Muungaab oo Xilka laga qaadayo, yaa bedelaya?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo Xog ogaal ah ayaa xaqiijiyay in kooxda Dam Jadiid ay damacsan tahay in ruux iyaga kamid ah laga dhigo gudoomiyaha gobolka Banaadir Ahna duqa magaalada Muqdisho, islamarkaana xilka laga qaado Gudoomiye Muungaab.

Shaqsiga la damacsan yahay in laga dhigo gudoomiyaha gobolka Banaadir ahaa waxaa lagu magacaaba Yuusuf Xuseen Jimcaale oo deegaan ahaan kasoo jeeda gobolka Banaadir, laakiin kamid ahaa xisbiga PDP.

Yuusuf oo lagu naaneyso Boorsaani, ayaa ah ruux ka tirsan urur Diimeedka Dam Jadiid, waxaana uu wax kusoo bartay jaamacada Azhar ee dalka Masar, wuxuuna ahaa ruux imam ka ah masjid ku yaalay degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir.

Xog aan helnay ayaa sheegeysa in Yuusuf Xasan Jimcaale, loo diyaarinayo wareegto kasoo baxda xafiiska madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud si loogu badalo gudoomiyaha Banaadir Muungaab.

Dad aad ugu dhow madaxweynaha Soomaaliya laguna kalsoon yahay ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheikh uu go’aan ku gaaray xil ka qaadis uu ku sameeyo gudoomiye Muungaab si loogu badalo Mr Boorsaani.

Waxaa xil ka qaadista Muungaab la damacsan yahay in loo maro dacwado badan oo gaartay xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya oo ay ugu horeyso wada shaqeyn la’aanta Muungaab iyo ku xigeenadiisa iyo dhul boob ka socdo magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa xilkaasi Muungaab u magacaabay daba yaaqadii bishii Febraayo ee sanadkii 2014-ka, markii uu xilkaasi ka xayuubiyay Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan).

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com