Xildhibaan reer Hiiraan ah oo kashifay siyaasiyiin lacag ku raadinaya dagaalka Shabaab

Beledweyne (Caasimada Online) – Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka oo kasoo jeeda Gobolka Hiiraan ayaa ka kashifay siyaasiyiin uu sheegay inay madaxweyne Xasan Sheekh ka dalbaday Lacag si ay uga qeyb qaataan dagaalka Al-Shabaab.

Xildhibaan Maalik Cabdalla oo ka mida Xildhibaannada ku sugan jiidaha dagaalka ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in siyaasiyiinta qaarkood ay Madaxweynaha Soomaalia kula gorgortamayaan in la siiyo lacag iyo xilal si ay ugu biiraan dagaalka Al-Shabaab.

“Waxa nasiibdarro ah in shaqsiyaad siyaasiin ah ama sheeganaya masuuliyiin ay ku gorgortamaan in lacag la siiyo ama xilal loo magacaabo si ay dagaalada Al-shabaab ugu biiraan,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdimaalik Cabdalla oo siyaasiyiintan u sheegay inay ahayn AMISOM/ATMIS oo lacag ku qaadata howlgalkooda.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in dagaalada ka socda degaanada beeshiisa Xawaadle in wixii hadda ka dambeeya ay Al-Shabaab kula dagaalami doonaan degaanada ay iska soo abaabulaan ee ka baxsan Gobolka Hiiraan.

“Laga bilaabo Maanta Walaah Bilaahi waxaa naga go’an inaan Al-shabaab ku dagaallano meelaha ay iska soo abaabulaan, mar hadii dagaalka annaga kaliya nagu furan yahay oo walaalaheena kale aysan diyaar  aheyn iney nagala qeyb galaan dagaalka,” ayuu yiri xildhbaan Cabdimaalik Cabdalla.

Ugu dambeyn Xildhibaan Maalik Cabdalla wuxuu sheegay in dadka Reer Hiiraan aysan jirin cid ay duulaan ku yihiin, balse Gobolada la deriska ah ee siyaasiyiinta kasoo jeeda shuruud ku xirayaan dagaalka ay Al-Shabaab ku weerari doonaan goobaha ay kasoo abaabulaan weerarada.

Siyaasiyiinta iyo xildhibaanada kasoo jeeda Beesha Xawaadle ayaa soo saaray farriimo qeylo dhaan ah oo ku saabsan in dagaalka Alshabaab lagu fiirsaday, oo degaanadii kale aanay wax dagaal ah ka socon.

Isha: Goobjooge