Magacyada 6 dhallinyaro ah oo ay toogatay Al-Shabaab

Saakoow (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa fagaaro ku yaalla degmada Saakoow ee gobolka Jubbada waxa ay ku toogatay rag ay ku eedeysay inay basaasiin ahaayeen sida ay iyada sheegtay.

Fagaaraha toogashada ay ka dhacday ayaa waxaa ku sugnaa dad shacab ah, waxayna kooxdaan 6-da ragga ah oo ay toogatay ku eedeysay inay indho u ahaayeen sirdoonka Mareykanka ee CIA-da loo yaqaan, sida ay kooxdaan sheegatay.

Ma jirto cid madax-banaan oo xaqiijin karto sheegashada kooxdaan ee ah in dadka ay toogatay ay ahaayeen kuwa basaasiin ah. Al-Shabaab ayaa dadka eedeysay, maxkamadeysa kadibna disha, ayaga oo aan helin garsoor madax-banaan oo ay isku difaacaan.

Ma ahan markii ugu horreysay oo ay kooxdaan toogasho ku fuliso ay eedeyn noocaan ah usoo jeedisay, waxaana suuragal ah in dadka la toogtay ay yihiin dad shacab ah oo kasoo horjeedo fikirka kooxdaan.

Toogashadaan ayaa kusoo aadeyso xilli uu dalka ka socdo kacdoon ka dhan ah kooxda Al-Shabaab kadib markii ay kooxdaan xasuuq u geysatay dad shacab ah.

Halkaan hoose ka akhriso magacyada dhallinyarada la toogtay

1: Xasan Maxamed Aadan oo loo yaqaanno (Mustaf), da’diisuna tahay 33 jir.
2: Cabdiqaadir Maxamed Sheekhey Cali oo loo yaqaanno (Buule), da’diisuna tahay 29 jir.
3: Cabdullaahi Cabdiraxmaa Ibraahim oo loo yaqaanno (Dalmar), da’diisuna tahay 27 jir.
4: Xasan Cali Xaaji Cabdiraxamaan, da’diisuna tahay 43 jir.
5: Cabdisalaan Ibraahim Maxamed oo loo yaqaanno (Shaalle), da’diisuna tahay 38 jir.
6: Cabdulqaadir Xuseen Cabdi oo loo yaqaanno (Gobal), da’diisuna tahay 22 jir.