Xildhibaan Sanbaloolshe oo ka digay ‘isa suuxinta’ Shabaab

Beledweyne (Caasimada Online) – Inkastoo maleeshiyada Al-Shabaab laga saaray inta badan deegaanada Gobolka Hiiraan ayuu Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) uu ciidamada uga digay isa suuxinta maleeshiyadaasi.

Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka, balse haatan ka mid ah mas’uuliyiinta hoggaaminaya hawlgalada ka socda gobolkaasi ayaa sheegay in Shabaabku yihiin kuwo dhagar badan, oo mar kasta oo meel laga saarana goob kale u wareegga.

Waxa uu ciidamadu ku ammaanay in awood ahaan ay Shabaabka naafeeyeen, balse aanay weli ka fogayn, inta buu yiri tallaalkiisu dambeeyo.

“Codowgii waad naafeyseen, laakiin meel ma jiryo, inta tallaalkiisu dambeeyo meel kaama jiro,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali oo ciidamada kula hadlayay deegaanka Qandho.

Waxa kaloo uu yiri “Deegaanada deriska, mar dhow waxaan rajaynayaa, haddii Ilaahay yiraahdo inaad isa soo gaartaan, dadka deegaan idiinku xigga, hadday noqoto bari iyo hadday noqoto koonfurba.”

“In yaraa idin dhiman, Inta la idiinka soo gaaraya dulqaata, inta yaroo idinku jirto ee meelaha madaxa ka soo taag taageysana madaxa ka guura oo iska sifeeya,” ayuu yiri Sanbalooshe.

Sanbaloolshe ayaa yiri “Kol dhiigaaga, Allaha ka dhigee dhiigaaga, hadduu sumoobo waa la iska daadiyaa, Shabaab waa dhilqo, waa niman maro ku dheg ah, waa niman qaa’imiin ah, waa niman dhagar badan, waa niman mintid ah, waa niman haddaad geedka dhinaciisa galbeed aad ka bixiso dhinaciisa bari degaaya, waa niman aan guul kuu ogoleyn, waa niman aan naxariisan lahayn, asaguna aan isu naxariisanayn, idinkana aan idin naxariisanayn, Soomaalina aan u naxariisanayn.”

Waxa uu hadalkiisa ku xoojiyay “Waxa aad ka difaaceysaan lafihiina keliya ma ahanee Islaam meel uu jooggo iyo Soomaali meel ay joogtaba ayaad ka difaaceysaan, mahad ha idinka gaarto.”

Sanbaloolshe oo ciidamada bogaadinayay ayaa yiri “Shabaab iyo idinka wax dambe oo asxaan ah oo idiin ka dhaxeeya ma jiraan.”

Marka laga soo taggo Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan oo leh abaabulka iyo dardargelinta hawlgalada, haddana Sanbaloolshe ayaa loo arkaa mid ka mida garbaha ay ku duulaan ciidamadu.