Daawo: Farxaan Jimcaale oo warbaahinta ku weeraray hab-tebinta wararka Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Weriyaasha Soomaaliyeed ayaa kulan duco ah magaalada Muqdisho ugu sameeyey Maxamed Ciise Koonaa iyo Cabdullahi Jaamac oo ka mid ahaa dadkii ku geeriyooday qaraxyadii Soobe 2.

Kulankaas loogu duceynayey labada Weriye ayaa waxaa ka soo qeyb galay inta badan weriyaasha ka howlgala magaalada Muqdisho, waxaana halkaas hadalo ka jeediyey xubnihii ugu sareeyey suxufiyiintii ka soo qeyb gashay kulankaas.

Agaasimaha warfaafinta ee xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Farxaan Maxamed Jimcaale oo ka mid ahaa masuuliyiintii ka hadashay kulankaas ayaa si adag uga hadlay doorka war tebinta suxufiyiinta Soomaaliyeed iyo ficillada argagixisada.

Wuxuu sheegay in weriyaha Soomaaliga ah uusan dhexdhexaad ka noqon karin gumaadka ku socda dadka Soomaaliyeed, “War sidaan si maahane aan wax ka bedelno tebinta wararkeena la xariira argagixisada,” ayuu yiri.

Farxaan ayaa tusaale u soo qaatay in dunida ay mamnuuc ka tahay in dhexdhexaad laga noqdo qadiyad la xariirta argagixiso, “Xitaa qof ay argagixiso heysato in madax-furasho laga dhiibo adduunka dembi ayey ka tahay,” ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Waxaan heysanaa fursad aan weligeed soo marin Soomaaliya, cabsidii laga qabay Shabaab waa dhamaatay, dadkii lacagta sii jiray ayaa diiday, makarafoonkii idinkaa haya ee aan kor u sheegno waxa wanaagsan.”

Wuxuu sheegay in dadka dhan ay Al-Shabaab dil ugu xukuman yihiin, balse loo baahan yahay in geesinimo lagu dhinto, “adigoo la dagaalamaya nimankaas dhimo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Maxamed Ciise Koonaa iyo Cabdullahi Jaamac ayaa ka mid ahaa weriyaasha Soomaaliyeed ee sida weyn uga soo shaqeeyey saxaafadda, waxayna mudo dheer ka soo howlgalayeen warbaahinta dalka, dadkii ku dhintay qaraxii Soobe 2 ayey ka mid ahaayeen.

Hoos ka daawo