Xil. Saabir oo weerar ku qaaday Madaxweyne Farmaajo sheegayna qaabka loo kala dilay Xildhibaanada BFS

Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo weli ay jiraan Xildhibaano dhaliil u jeedinaaya Dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa waxaa dhaliil taa lamid ah Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo u jeediyay Xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye oo ka tirsan BFS.

Xildhibaan Saabar oo la hadlaayay warbaahinta ayaa sheegay in Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo uu dhaqaale sharci darro ah siiyo Xildhibaanada BFS.

Xildhibaan Saabir waxa uu cod dheer ku sheegay in dhaqaalahaasi bixinteeda uu Farmaajo ula gol leeyahay inaan laga hadal xaalada ka jirta dalka iyo sida ay u shaqeyso dowladiisa, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu Xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye sheegay inay hayaan cadeymo muujinaya in Madaxweynaha Farmaajo uu Xildhibaano siiyay qarashaad badan si aysan uga hadlin arintii Qalbi Dhagax iyo xaaladaha kale ee Siyaasadda.

Saabir Nuur, waxa uu sheegay in talaabada ceynkaasi ah ay dhibaato u keeni karto keydka Qaranka, waxa uuna cadeeyay inay la imaan doonaan cadeymo muujinaaya bixinta dhaqaalahaasi.

Waxa uu tilmaamay in arintaasi ay tahay mid sharciga baalmarsan, wuxuuna sheegay Madaxtooyadda Soomaaliya illaa hadda inay bixiso qarashaad la siiyo Xildhibaano, si aysan uga hadlin xadgudubyada dowladda ay sameyso..

Dhinaca kale, Xildhibaanka wuxuu sheegay kulanka Baarlamaanka marka uu furmo xubnaha Golaha Shacabka inay aragti mideysan ka qaadan doonaan arintaasi oo xadgudub uu ku tilmaamay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com