Sawirro: Sidee ayuu u furmay shirka muranka badan ka dhex dhaliyay labad Gole BF ee maanta ka dhacay Baydhabo

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa manta magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ka furmay Shirka u dhaxeeya Gudoonka Golaha Shacabka Somalia iyo Gudoomiyeyaasha Baarlamaanada Maamul Goboledyada ka jira dalka.

Shirka oo ahmiyad gaara leh ayaa waxaa furay Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari), waxaana ka qaybgalaya Gudoomiyeyaasha Golaha Sharci dajinta ee Maamul Goboledyada.

Shirkan ayaa la sheegay in lagu xoojinayo xiriirka u dhaxeeya Guddoonka Golaha Shacabka iyo Maamul Goboledyada ka jira dalka Baarlamaanadooda.

Shirkan maanta furmay ayaa waxa uu socon doonaa muddo saddex cisho ah, waxaana lagu gorfeyn doonaa, qaabka ay ku wada shaqeyn karaan Gudoomiyeyaasha Baarlamaanada Iyo Gudoonka Golaha Shacabka.

Gabagabada shirkaan ayaa la filayaa in laga soo saaro war murtiyeed ay ku cad yihiin hanaanka wada shaqeynta Gudoonka Golaha shacabka iyo Gudoomiyeyaasha Baarlamaanada dalka.

Waa Shirkii ugu horeeyay ee noociisa ay isugu yimaadaan Gudoonka Golaha Shacabka iyo Gudoomiyayaasha Barlamaanada Maamul Goboledyada dalka ka jira, waxaana xusid mudan in furitaanka shirka uu Muran iyo Khilaafba horay uga dhaliyay Guddoomiyayaasha Aqalka Sare iyo kan baarlamanaka Somalia.