Xildhibaan sheegay tirada lacagta ay HirShabelle ku beddelatay heshiiska DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar soo baxayay xalay kadib markii shalay uu madaxweyne Waare shaaciyay in maamulkiisa uu la heshiiyay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxay sheegayeen in lacag cadadkeedu dhan yahay laba malyan la siinayo Hirshabeelle.

Arrintaan ayaa waxaa shaaca ka qaaday xildhibaan Cabdirashiid Cabdixakiin Warsame. Xildhibaan Cabdirashiid Cabdixakiin ayaa sheegay in ay jirto lacag dhan laba malyan oo dollarka Maraykanka ah oo la siinayo Hirshabeelle kaddib heshiiskii ay la gaareen Villa Somalia.

Wuxuu sheegay in lacagtaasi ay dowladda siinayso, isagoo hoosta ka xariiqay in dowlado ajnabi ah ay bixinayaan.

Waare oo shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ku dhawaaqay inay heshiis buuxa dowladda dhexe ka gaareen khilaafkii u dhaxeeyay labada dhinac, ayna ka wada shaqeyn doontaa danta dadka, gaar ahaa HirShabelle

Waxa uu sheegay in wixii tabasho ee jiray la dhameeyay, islamarkaana ay si buuxda ula shaqeyn doonaan dowladda Federalka, isla markaana ay yeelan doonaan wada shaqeyn.

Heshiiska dowladda ay la gaartay Waare ayaa qeyb ka ah dadaal ay ku dooneyso inay ku kala furfurto isbaheysiga dowla goboleedyada, taaasi oo ka saacidi karta sidii madaxdooda loogu beddeli lahaa kuwa raacsan dowladda.

HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO XILDHIBAAN CABDIRASHIID: