4 waxyaabood oo keenay inuu Waare kasoo goosto maamul goboleedyada.!!

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ku dhawaaqay inuu heshiis la galay dowladda Federaalka, kaddib wada hadalo maalmihii la soo dhaafay ka socday magaalada Muqdisho.

Shir jaraa’id uu ku qabtay magaalada Muqdishoo ayuu ku sheegay in wixii tabasho ee jiray la dhameeyay, kaddib wada hadalo dhex maray Madaxda Maamul goboleedka Hirshabeelle iyo Madaxda dowladda Federaalka.

Madaxweyne Waare ayaa sheegay inay si buuxda ula shaqeyn doonaan dowladda Federalka, isla markaana ay yeelan doonaan wada shaqeyn.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso Afar Arrin oo keentay inuu Waare Deg deg isku dhiibo:

1) Maamulkiisa oo ka kooban Beelo badan

Maamulka Hirshabelle ayaa Galmudug kala wadaago hal arrin oo ah in maamulkaas uu ka kooban yahay Beelo badan isla markaasna ay fududahay in laga horkeeno.

Madaxweynaha Hirshabelle oo fiirinayo dhibaatada ka imaan kart haddii laga horkeeno beelaha uu ka kooban yahay maamulkaas ayaa go’aansaday inuu deg deg ula heshiiyo dowladda dhexe waana sababta ugu weyn ee keentay.

2) Ma heysto Dhaqaale uu kula dagaalamo Dowladda Dhexe

Maamulka Hirshabelle wuxuu kamid yahay maamulada ugu liito dhaqaale ahaan iyo Maamul ahaan marnaba marcquul maahan inuu iska celiyo Dowladda Dhexe maadaama uusan maamulkaas heysan dhaqaale uu dagaal ku galo.

Sidaas darteed Waare ayaa ku qasbanaaday inuu deg deg ula heshiiyo Dowladda Dhexe

3) Hirshabelle awood badan malahan

Maamulka Hirshabelle malahan awood maamul iyo mid ciidan, sidoo kalana kama taliyo inta badan deegaanada uu maamulkaas hoos imaado.

Waana sabab kale oo ku khasbeyso Waare inuu kasoo gosto Maamul Goboleedyada.

4) Maamul Goboleedyada oo kala shakisan

Sababta kale oo ay khubarada Siyaasadda aaminsan yihiin inay keentay is dhiibista Waare ayaa ah inuu jiro kala shaki u dhaxeeyo Madaxda Maamul Goboleedyada maadaama uu mid kasta leeyahay dano siyaasadeed oo isaga u gaar ah.

Waxaa jiro Khilaaf u dhaxeeyo Maamul Goboleedyada oo ku aadan in lala heshiiyo dowlada Dhexe iyo in kale waxaana bilaabatay cabsi ku aadan in qaar ka tirsan Maamul Goboleedyada ay usoo goystaan dhanka dowladda, Waare ayaana noqday qofka ugu horreeyo ee riday xabaddii laga cabsanayey!!!.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com