Khilaafka Galmudug oo qarka u saaran inuu isku badalo dagaal toos ah iyo ciidamo isku dhacay

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan maamulka Galmudug ayaa xalay waxa ay israsaaseyn ku dhexmartay duleedka degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud, sida ay Idaacadda Risaala u xaqiijiyeen saraakiisha ciidamada ammaanka.

Israsaaseyntan ayaa waxa ay ka dambeysay kadib markii ciidamo ka tirsan Galmudug oo ka soo ambabaxay Gaalkacyo kuna sii jeeday Dhuusamareeb ay is hor istaag ku sameeyeen ciidamo kale oo ku sugnaa duleedka magaalada Cadaado.

Waxaa la xaqiijiyay in iska hor imaadkan uu ku dhintay Hal askari, halka ay ku dhaawacmeen Laba kale oo ka mid ah dhinacyada wada dagaalamay ee ka wada tirsan maamul goboleedka Galmudug.

Ciidamada dagaalka qabsaday ayaa waxay ka imaadeen Magaalada Gaalkacyo waxaana isku dayey inay celiyaan ciidamo kale oo ku sugnaa Koontaroolka laga soo galo Xarunta Baarlamaanka Galmudug.

Halka uu dagaalkaan ka dhacay ayaa ah hadda mid dagan sida ay Caasimadda Online u xaqiijiyeen dadka dagan Magaalada Cadaado waxaana ciidamadii u socday Dhuusamareeb u suurta gashay inay sii wataan safarkooda.

Dagaalkaan ayaa salka ku hayo Khilaafka u dhaxeeyo madaxda Galmudug kadib markii uu loolan siyaasadeed ka bilowday Magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb.

Ciidamada Galmudug ayaa dhankooda u kala jabay sida uu u kala jabay Baarlamaanka Galmudug waxayna siyaasadda siyaasadeed ee Galmudug qarka u saaran tahay inay isku badasho gacan ka hadal ama dagaal toos ah.

Baarlamaanka Maamulka Galmudug ee kala fadhiya Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado ayaa xilalkii ka qaaday dhamaan Madaxdii Galmudug ka hor Ahlu Sunna.

Xildhibaannada fadhiya Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in ay xilka ka qaadeen Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir.

Baarlamaanka qeybta fadhida Cadaado ayaa xilka ka qaaday Madaxweynaha Galmudug Amxed Ducaale Geelle iyo Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Xareed Cali Xareed.

Kulan Xildhibaannada Galmudug ee Fadhiya Dhuusamareeb ay ku yeesheen Magaaladaasi waxaa ay sheegeen in ay xilkii ka qaadeen qofkii ugu dambeeyay afarta qof ee ugu sarreysa Galmudug kaas oo ah Madaxweyne ku xigeenka Maxamed Xaashi Carrabeey.

Maxay ka tiri Dowladda Federaalka ah?

Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Federaalka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ugu baaqday dhinacyada Maamulka Galmudug in ay joojiyaan khilaafka xalna ka gaaraan muranka u dhaxeeya.

Maamul Goboleedyada maxey ka yiraahdeen Khilaafka Galmudug?

Khilaafka Galmudug waxaa ka hadlay Maamul Goboleedyada waxaana ay ka digeen faragelin qaawan oo ay sheegeen in Dowladda dhexe ku heyso maamulka.

Maamul Goboleedyada War-saxaafadeed ay soo saareen waxaa ay dowladda dhexe ugu baaqeen in ay faragelinta ka joojiso Galmudug,islamarkaana  Ciidamada qaranka aan loo adeegsan arrimaha ka jira Galmudug.

Aqalka sare muxuu ka yiri khilaafkan?.

Goalaha aqalka sare ee Soomaaliya ayaa Khilaafka dowladda dhexe iyo dowlad Goboleedyada u saaray Guddiyo kala duwan.

Saddex ka mid ah Guddiyadaas waxaa ay gaareen Garowe,Kismaayo iyo Baydhaba,waxaana ay Goluhu ku baaqeen in la joojiyo mooshinnada ka socda Galmudug.

Marka laga aragti qaato Khilaafka Galmudug,qofka kaliya ee hadda xilka haya waa Madaxa Xukuumadda Galmudug Sh.Maxamed Shaakir Cali Xasan, oo khilaafkan sheedda kala socda maaddaama uu u dhaxeeyo Galmudugtii hore.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com