Xildhibaan ay ceeb weyn ka raacday arrin uu rabay in uu ku ceebeeyo Axmed FIQI

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Xuseen Iidow oo ka mid ah xildhibaanada taageersan xukuumadda Kheyre ayaa isku day uu ku ceeban lahaa xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo ka mid ah xildhibaanada, mucaaradka ay isaga ceeb ka raacday shalay.

Isaga oo ka hadlaya kulankii shalay ee golaha ayuu yiri ” Ninkii [Fiqi] isaga 18 bilood ah taliyaha Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka la wareeray madaxtooyada dalka, Maxkamada dalka ugu sareeysa, Golaha Baarlamanka, la dilay 13 Xildhibaan, ayaa indho-adeeygiisa inta halkan soo istaagay doraad ku doodaya hal Xildhibaan oo naga dhaawacmay”

Si kastaba baaritaan iyo dib u eegis lagu sameeyey taariikhda ayaa waxaa caddaatay in Xuseen Iidow uu ka been sheegay taariikhda, islamarkaana dhammaan markii ay dhaceen weeraradaas uusan Fiqi hayn xilka agaasimahda NISA.

Xarunta Golaha Shacabka markii la weerarayay May 2014 ayay aheyd, waxaana Taliyaha NISA ahaa Bashiir Goobe, Ahmed Moallim Fiqi wuxuu is casilay 2013 March. Sidoo kale xarunta Maxkamadda Gobolka Banaadir oo ay ku yaallaan maxkamadaha dalka, sida Maxkamadda Sare waxaa la weeraray April 2013, bil kaddib markii uu is casilay Fiqi. Sidoo kale xarunta Madaxtooyada waxaa la weeraray July 2014, labada jeer ee Madaxtooyada la galay waxaa dalka Taliyaha Nabadsugida ka ahaa Jen. Bashiir Goobe.

Dhinaca kale Fiqi ayaa facebook soo dhigay qoraaal uu arirntan kaga jawaabayo, wuxuun ku yiri “Xildhibaan Xuseen Iidow waa ka xumahay in uu isku dayo in uu taariikhda horteena ku qaldo si ula kac ah asagoo qalad hadda jira oo dhanka amniga ah raba inuu daboolo.

Xilka taliyaha nabadsugidda waxaan iska casilay 23/03/2013. Qaraxyada uu rabo inuu fashilka amni ee hadda jira ku daboolana waxey dhaceen waqtigaas ka dib, anigoon ahayn Taliye, marka walaalkay Xuseen taariikhda iska sax. Hoosta waxa hadda ka dhacayana Allaha kugu soo duwo”

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com