Xildhibaan Shukri Saalax Cabdullaahi oo geeriyooday

Kismaayo (Caasimada Online) – Xildhibaan Shukri Saalax Cabdullaahi oo kamid ahaa mudanayaasha baarlamaanka maamulka Jubbaland ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Allaha unaxariiste Xildhibaanka ayaa waxaa la sheegay in maalmihii lasoo dhaafay uu ku xanuusanayay magaalada Kismaayo, islamarkaana uu xanuunnkii hayay ugu dambeyn u geeriyooday saaka.

Faah-faahin dheeraad ah lagama hayo nooca uu ahaa xanuunka hayay Xildhibaan Shukri Saalax Cabdullaahi ee ugu dambeyn maanta ugeeriyooday AUN.

Geeridka Xildhibaanka ayaa waxaa ka tacsiyeeyay madax iyo siyaasiyiin kala duwan oo ugu horeeyo madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Axmed Madoobe ayaa tacsi u diray guud ahaan shacabka reer Jubbaland, qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay Xildhibaan Shukri Saalax Cabdullaahi.

“Waxaan tacsi u diraya guud ahaan shacabka reer Jubaland, Xildhibaanada golaha wakiilada, qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay Xildhibaanka ay ku timid geerida naxdinta leh, Xildhibaan Shukri Saalax Cabdullahi oo ku geeriyooday magaalada Kismaayo,” ayuu yiri madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Waxa uu intaasi sii raaciyay qoraalka madaxweynaha Jubbaland “Maruuxmka waxaan alle uga baryaya inuu naxariistii jano ha waraabiyo.”