Guddoomiye Madaale oo shaaca ka qaaday degmada ugu dilalka badan XAMAR

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo qaar kamid ah ku xigeenadiisa ayaa xalay shir uga qayb-galay degmada Kaaraan, kaas oo looga hadlayey ammaanka degmadaasi.

Kulankan ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ahaa maamulka Kaaraan iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmadaasi, ayada oo inta badan laga hadlay dhibaatada Kaaraan.

Mid kamid ah odayaasha deegaanka oo ka hadlay madasha ayaa ka dhawaajiyay inay wajahayaan xaaladdii ugu xumeyd ee dhanka amniga, wuxuuna farriin toos ah u diray Madaale oo kulanka fadhiyay, isaga oo ka codsaday inuu la dagaalo ciyaal weerada.

“Ninka shalay qoray wax ku dhici jiray maanta laba Maqar ayuu iska soo qaadanayaa waxa uu ku leeyahay ciyaal weero ayaan ahay, marka guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho waxaan ka codsaneynaa in magacaan ciyaal weerada ee dadkii lagu laayay in uu wax ka qabtom” ayuu yiri mid kamid shacabka ku dhaqan Kaaraan.

Dhankiisa duqa Muqdisho oo kulanka ka hadlay ayaa shaaca ka qaaday in Kaaraan ay tahay degmada ugu dilalka badan ee gobolka Banaadir, isla-markaana ay ku sugan yihiin kooxo burcad ah iyo ciyaal weero oo si isku mid ah u dhibaateeya dadka shacabka ah.

“Degmada Kaaraan waa degmada ugu dilka badan waa degmada ugu dhaca badan waa degmada ugu baaba’san waa degmada ugu mugdiga badan waayay,” ayuu yiri Madaale.

Sidoo kale waxaa uu sababta ay ku timid arrintaan ku sheegay wada shaqeynta la’aanta ka dhex jirta shacabka degmada Kaaraan iyo saraakiisha laamaha amniga.

“Waxaa yeelaayo dadkeeda ayaana diyaar aheyn, dadkeeda haddii ay diyaar yihiin waxaan diyaar u nahay inaan la shaqeyno,” ayuu markale yiri duqa Muqdiso.

Ugu dambeyn wuxuu ka hadlay dhibaatada kooxaha ciyaal weerada ay ku hayaan gudaha Muqdisho, isaga oo sheegay inay markasta soo daba kacaan odayaal iyo waalidiinta qaar, isaga oo taasi ka digay, wuxuuna sheegay in dadkaasi iyaguna ay la dagaalami doonaan

“Ciyaal gaangiistarada burcadda ah haddii lasoo qabto odeyga daba jooga iyaga ayuu lamid yahay hooyada daba joogtana iyaga ayay lamid tahay” ayuu ku daray guddoomiyuhu.

Kaaraan ayaa kamid ah degmooyinka dhaca waqooyiga magaalada Muqdisho, waxaana ay  wajaheysaa xaaladdii ugu darneyd ee amniga, taas oo dib u dhigtay hormarkii degmadaasi.