Macallin Mahdi oo ka digay arin ay sameeyaan ciidanka iyo saraakiisha Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha qaybta guud ee booliska gobolka Banaadir Gaashaanle Sare, Mahdi Cumar Mumin (Macallin Mahdi) oo la hadlay warbaahinta ayaa digniin culus u diray saraakiisha ciidamada dowladda ee ka howl-gala magaalada Muqdisho.

Macallin Mahdi ayaa shaaca ka qaaday inay soo badatay marka howlgallada la sameynaayo in dadweyne aan dambi gelin meel la’isugu geeyo, kadib sawirro laga qaado, lana baahiyo.

Taliyaha ayaa shaaca ka qaaday in dambi ay tahay in qof aan waxba geysan xoriyadda laga qaado, kadibna warbaahinta la horeeyo, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa batay ayadoo howlgallo la galaayo in dadka meel la’isugu keeno oo xorriyadda laga qaado in media iyo warbaahinta laga sii daayo. Qofka muwaadinka ah in isaga oo dambi lagu haynin inta meel la keeno xorriyadda laga qaado la sawirro waa dambi,” ayuu yiri taliyaha qaybta guud ee booliska gobolka Banaadir Gaashaanle Sare Macallin Mahdi.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dhammaan dadka deggan caasimada aysan wada aheyn dambiileyaal, sidaas darteedna loo baahanyahay in la dhowro sharafka muwaadinka.

“Dadka Muqdisho deggan qof kastaa dambiile ma’ahan qofkii dambi leh ayaa warbaahinta laga sii deyn karaa, laakiin 500 boqol oo qof in meel la’isugu keeno inta aad duubtaan lasii daayo oo la dhaho waa dambiileyaal arrin wanaagsan ma’ahan,” ayuu sii raaciyay.

Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray saraakiisha ciidamada ee ku sugan Muqdisho, wuxuuna ugu baaqay inay ka waan toobaan arrintaasi oo ah mid aad usoo laa laabatay.

“Wax bannaan ma’ahan wax loo baahan yahayna ma’ahan, waana wax laga qurux badan yahay in la’iska dhaafo ayaa la rabaa” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo inta badan dadka lagu soo qabto howlgallada habeenkii ka dhaca Muqdisho hal meel la’isugu geeyo, ayada oo goobtaasina looga qaado sawirro kadibna mar dambe lasii daayo sida marar badan ka dhacday magaalada Muqdisho.