Daawo: Ciidanka NISA iyo booliska oo howlgal culus ka sameeyay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ay xalay ciidamada Nabad Sugidda iyo kuwa Booliska Soomaaliya ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan gudaha degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Howlgalkan ayaa waxaa lagu soo qabtay dad u badan dhalinyaro, kuwaas oo qaarkood lasii daayay, halka kuwa kale oo laga shakiyay lagu xiray saldhigga degmada Wadajir.

Nasri Axmed Maxamed oo ah taliyaha booliska ee degmadaas ayaa ka warbixiyay baaritaanka ay sameeyeen, wuxuuna ujeedka ku sheegay amni xaqiijin.

“Waxaan u soconay waa inaan ka shaqeyno amnigiina iyo bad-qabkiina waxaan u carareyno waa inaan idinka idin shaqeyno,” ayuu yiru Taliye Nasri Axmed.

Sidoo kale wuxuu fariin u diray dadka deegaanka, isaga oo ugu baaqay inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, si looga hortago wax kasta oo liddi ku ah nabad-gelyada.

“Idinkana waxaan idinka codsaneynaa inaan nala shaqeysaan oo aad booliska ku xirantaan lambarka gaaban aad soo wacdaan” ayuu markale yiri taliyaha saldhigga Wadajir.

Dhankiisa guddoomiyaha maamulka degmada Wadajir, Axmed Cabdulle Afrax oo howlgalka qayb ka ahaa ayaa soo jeediyay in laga wada shaqeeyo amniga guud ee degmada.

“Wax kasta xun waxaan rabnaa inaan meel uga soo wada jeesano inaan ogaano inaan isku dan-nahay” ayuu isna yiri guddoomiyaha maamulka degmada Wadajir.

Howlgalkan ayaa kusoo aadayo, maalin uun kadib markii tiro hoobiyeyaal ah lagu garaacay xaafadda Ceelka Sablaale oo ka tirsan degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.