Waraabe oo caddeeyey mowqifkiisa qorshaha cusub ee dagaalka Laascaanood

Hargeysa (Caasimada Online – Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee UCID oo Somaliland ka jira, Faysal Cali Waraabe ayaa taageeray qorshaha ay Somaliland ku dooneyso inay ku soo ceshato gacan ku heyntii magaalada Laascaanood.

Afhayeenka u hadlay militeriga Somaliland ayaa cadeeyey in qorshaha Somaliland uu yahay inay awood ku soo ceshadaan gacan ku heynta Laascaanood, isla markaana ay qaadi doonaan weerarro culus oo ka dhan ah xoogagga Laascaanood qabsaday.

Guddoomiye Feysal Cali Waraabe ayaa qoraal uu ku baahiyay bogiisa Twitter-ka wuxuu ku sheegay in koox uu hogaaminayo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ay soo weerareen ciidamada Somaliland, sida uu hadalka u dhigay.

“Iyada oo lagu jiro bishii Illaahay bilaha ka doortay ee Ramadaan ayey xulufadi G21 maanta ay soo weeratay Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. Waan hambalyeeynayaa guusha ay gaadheen ciidanka qaranku” ayuu qoraalkiisa ku yiri guddoomiye Feysal Waraabe.

Guddoomiyaha xisbiga UCID wuxuu si buuxda u soo dhaweeyay dagaalka la qorsheeyey in ciidamada Somaliland ay ku qaadaan xoogagga ka dagaalamaya Laascaanood.

“Waxaa kale oo aan soo dhaweynayaa istiraatijiya-da cusub ee ciidanku qaatay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray guddoomiye Feysal Cali Waraabe.

Guddoomiyaha ayaa maalmo ka hor madaxweyne Muuse Biixi ku canaantay in qorshe dagaal ama nabadeed uusan u heyn Laascaanood, wuxuuna cadeeyey inuu taageerayo in awood militeri lagu xaliyo arrinta Somaliland ka soo wajahday Laascaanood.

Cabdidheere Cabdullaahi oo ah Afhayeenka militeriga Somaliland ayaa saacadihii lasoo dhaafay ku dhawaaqay in dagaal buuxa oo ciidanka Somaliland ay ku qaadi doonaan xoogagga dagaalka kula jira, ee qabsaday Laascaanood.