SSC oo jawaab culus kasoo saartay hanjabaadii S/Land, kuna dhawaaqday inay…

Laascaanood (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidamada Deegaanka Laascaanood ee dagaalka kula jira Somaliland ayaa markii u horeysay si adag uga hadlay hanjabaadii kasoo yeertay Somalilad, ee la xiriirtay in dagaal qorsheysan ku qaadi doonto magaalada Laascaanood.

Jeneraal Saciid Shoodhe ayaa waxa uu sheegay in dhawaaqa kasoo yeeray Somaliland uu banaanka usoo saaray wajigooda dhabta ah, islamarkaana ay diyaar u yihiin dagaal ay dhulkooda kaga xoreystaan.

“Caalamka ayay qaldayaan qorshaha ay ku socdaan in ay maati dooxyihiin, in dal iyo dad anay lahayn burburinayaan, in ay awood sheeganayaan, way is bideen laakiin u suurtoobi mayso,” ayuu yiri Jeneraal Saciid Shoodhe.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamada SSC iyagu ku guulaysan doonaan dagaalka Somaliland ku dhawaaqday, ayna ka xoreynayaan dhulkooda ciidamada Somaliland, “Anaga ayaa gacanta sare yeelan doona oo waan jabin doonaa ciidamada Somaliland.”

Jeneraal Shoodhe ayaa waxa kale oo uu beeniyay sheegashada Somaliland ee in Puntland iyo dowladda federaalka qeyb ka yihiin dagaalka Laascaanood, isaga oo sheegay in dhinacyadaas aysan ciidan ka joogin magaalada, inkasta oo halkaasi ku sugan yihiin saraakiil hore uga tirsanaa ciidamada Soomaaliya iyo kuwa beeleedyo ka yimid Puntland.

“Haddii ay dhacdo xabad joojin inay dhaqan-gasho waa haddii Somaliland ay Caynaba geyso ciidamadeeda,” ayuu yiri Taliyaha ciidamada deegaanka Laascaanood ee dagaalka kula jira Somaliland, oo xusay sida kaliya ee ku qaboobi karto xiisadda dagaal ee ka taagan xarunta gobolka Sool.

Hadalkan Jeneraal Shoodhe ayaa imanaya kadib markii ay ciidamada hogaamisa ciidanka milateriga Somaliland ay ku dhawaaqeen in dagaal qorsheysan oo milateri ku qaadi doonaan xooggaga kasoo horjeeda ee SSC.

“Somaliland intii ay dulqaadanaysay way dulqaadatay, anagu warqad yar oo la xar-xariiqay soo dhigi mayno websteyada, balse dagaal qorshaysan oo millateri ayaan qaadi doonaa, wax badan ayaan gacmaha laabanaynay, hadda dagaal ayaan diyaar u nahay,” ayuu yiri Cabdi Dheere oo ah Afhayeenka ciidanka militeriga Somaliland.

Somaliland ayaa ku doodeysa in wixii dagaal dhacay aysan ciidamadeedu qaadin hal weerar oo ayaga un lasoo weerarayey, sidaas darteed ay hadda wixii ka dambeeya aysan gacmaha laaban doonin oo weerarro culus ay qaadi doonaan.