Xildhibaan Xaawo iyo Seygeeda oo lagu jir dilay meel aan ka fogeyn golaha shacabka

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Xaawo Yuusuf Axmed oo kamid ah xildhibaanada golaha shacabka ayaa sheegtay in iyada iyo seygeeda jirdil ay u geysteen ciidamo ka tirsan dowladda.

Xildhibaan Xaawo, waxay sheegtay in jirdilkaasi loo geystay xili ay ku sugnaayeen meel aan ka fogeyn xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan isgoyska Sayidka oo ciidamada ay baaritaano ku sameeyaan.

Waxay xildhibaan Xaawo sheegtay inay ku wajahnaayeen hoygooda oo ku yaala meel aan ka fogeyn Sayidka, balse gelinkii dambe ee shalay ay handadaad iyo jirdil ay kala kulmeen ciidamada goobta joogay, sida ay hadalka u dhigtay.

“Waxaan kusoo beegannay Isbaarada Sayidka Taalla, taasi oo gurigeyga in yar u jirta, waxaan la kulmay iyadoo gaadiidka la celinayo oo meel kale loo celinayo, waan is adkeeyay waxaan iri waxaan ahay xildhibaan gurigeygana waa kaas”

“Markaan teesaraha lasoo baxayna waxaa la igu yiri kan ma shaqeynayo ee halkaasi kala bax, aflagaado iyo canaan kadib markii ay dhacday waxaan isku dayey inaan soo dego, ciidanka waxay isugu jireen kuwii meesha joogay iyo wiil dhallinyaro ah ciidan uu watay”.

“Odaygeyga oo gaariga ii waday ayaa feer daaqadda looga bixiyey, Labadeenna waa nala jir dilay, albaabka gaarigayga ayaa la igu dhuftay, Timaha waa la i qabtay oo waa la iga jiiday, wax ay noo reebteen malahan, waxaaba inooga sii darnaa waxaas oo dhan Aflagaadada ay inoo geysteen, qoryaha dhan ayaa nalagu soo foorariyey”ayay tiri xildhibaan Xaawo.

Shalay gelinkii dambe waxaa dhacay qarax dad badan ay ku dhinteen, waxaana inta badan ciidamada amaanka ay adkeeyaan goobaha ku dhow halka qaraxa uu ka dhacay, waxayna kamid aheyd dad badan oo wadada loo diidayay qaraxa kadib.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET