IGU SAWIR KA WEYN! – Ficillada Madaxda dowladda federaalka

“Igu sawir” waa dhaliil mar dhow soo shaac baxday, waxaan filayaa in la wada maqlay. Waxaan ku soo xusuustay dhacdo aan goobjoog ka ahaa.

Dhaqaalyahan Canadian ah, oo u ololeeya dadka danyarta ah, oo badanaaba meelo aan dadka kale u muuqan wax ka eega ayaan ka wada aadnay meel ay ka socotay dood u dhaxaysa illaa 3 murashax oo u tartamayay kursi baarlamaan. Markii aan meesha tagnay dooddu ma billaaban, musharixiinta ayaa weli ka soo qeyb galayaasha salaan iyo isbarasho ugu tagayay. Saddexdii qofba mid mid ayaan u sallaanay. Isla markii aan salaanta dhamaysanay ayuu ii sheegay in uu go’aansaday qofka uu u codeynayo asagoo aan weli hadalkoodaba dhagaysan. Markii aan weydiiyay sababta wuxuu ii sheegay inuu ku saleeyay keliya lebiskooda. Labada ka mid murashaxiinta oo isku lebis dhowaa, wuxuu dhaqaalyahanku markiiba qiimeeyay inta qarash ah oo ay ku fadhiyaan:

1-Jaakadaha iyo surwaalka
2-Shaatiga
3-Kabaha
4-Saacadda

Wuxuu ii sheegay in siyaasi shacab duruufaysan oo uu xil ka rabo, si uu isaga weyneysiiyo dhar hal maalin ah ugu soo iibsada lacag kumannaan doollar ah, uusan mas’uul ahayn. Wuxuu ii sheegay in marka uu qof siyaasi la kulmo, ka hor wejigiisa in uu arko qarashka dul saaran.

Marka aan arko sawirada lagu sheegay “igu sawir”, ama caruur iyo shacab sawir uu siyaasi la galo, laba arrimood ayaan arkaa:

1- In laga gudbay xilli hoggaamiye ama madax uu ula kac u dilo ama xabsi dhigo qof miskiin ah oo wadada jooga si uu awooddiisa laga cabsan karro u muujiyo, balse la joogo waqtigii jaceylka bulshada lagu kasban lahaa hadba sida dan yarta loogu dhawaado. Waa horumar.

2-Arin gaar ah oo ku kalifaysa RW ama madaxweynaha inuu sawir la galo shacab ma jirto. Waa rag xilkii ay gaari kareen gaaray. Taas waxaa dheer, si Beerta Nabadda ama xero barakacayaal ay sawir ugu galaan, madaxweynaha ama ra’iisul wasaaraha, waa in ay waqtigooda u huraan safarkaas; waa in ay halis dhici karto u bareeraan.

Madaxda sawirka galaysa laba waa mid:

1- in ay dhab ka tahay ka nixidda iyo jaceylka shacabka
2- In aysan dhab ka ahayn balse uu yahay qorshe diirnax shacabka looga raadsado si kalsooni looga helo.

Midda koowaad, qof insaan wannaagsan ah baa laga helaa, tan labaadna siyaasi wannaagsan baa laga helaa. Sida uu dhaqaalyahanka aan wada soconnay sheegay, muhiimaddu ma aha inaad awooddo dharka, illeen labada murasharixiin ee uu ka booday wuu ogaa in ay yihiin milyaneero, balse wuxuu ka waayay dhowridda dareenka shacabka.

Siyaasiga sawir aan kal iyo laab ka ahayn la gala qof tabaalaysan si uu u kasbado dareenka shacabka, waa siyaasi ugu yaraan fahansan awoodda taageerada shacabka, taas beddelkeeda wuxuu sammeeyn karaa, sida Africanka iyo Carabta, inuu qofka tabaalaysanba dilo ama xiro si uu shacabka uga baqo. Xusuuso hoggaamiye kooxeedyadii way sameyn jireen.

Midna aan ogaanno, dadka aan ka hadlayno waa siyaasiyiin ee ma aha samafale sida Mother Theresa!

W/Q: Hassan Adam Hosow 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET