BFS: Waa xadgudub caleemo saarkii KISMAAYO

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa siyaabo kala duwan kaga hadlay xafladii caleemo saarka ee ka dhacday magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, laguna caleemo saaray Axmed Madoobe.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa, oo kamid ah xubnaha baarlamaanka ayaa sheegay in dhamaan dadkii ka qeyb galay xaflada caleemo saarka aysan aheyn dadkii ku haboonaa iney tagaan magaalada Kismaayo.

Xildhibaanka ayaa sheegay in xubnaha baarlamaanka iyo wasiirada tagay magaalada Kismaayo aysan aheyn xildhibaanada iyo wasiirada dhaliilsanaa qaab dhismeedka baarlamaanka maamulka Jubba, sidaasi daraadeedna aysan aheyn wax cadaalad ah waxa ka dhacay Kismaayo.

“Waxaan kuu sheegayaa In Kismaayo aysan ka dhicin wax cadaalad ah sababtoo ah dhamaan dadkii mucaaradsanaa Jubbaland waa laga tagay mana la qancin, sidaasna waa wax aan wanaagsaneyn”ayuu yiri xildhibaan Dalxa.

“Beelaha kasoo jeeda Jubbaland dhamaantood ma ahan kuwo qanacsan, dhamaan xildhibaanada Kismaayo la geeyayna waxay ahaayeen kuwo Axmed Madoobe taageersan, sidaasina wax wanaagsan ma aha”ayuu yiri xildhibaan.

Hadalka Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa, ayaa kusoo aadaya iyadoo wali aan xal laga gaarin mooshinkii sharci darada ka dhigay xildhibaanada baarlamaanka maamulka Jubbaland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com