Xildhibaan Zakariye oo cadeeyay sababta uu uga laabtay mooshinka

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Zakariye Xaaji Maxamuud oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka baarlamaanka Somalia ayaa shaaca ka qaaday in shaqsi ahaantiisa uu ka baxay Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Guddoomiye Jawaari.

Xildhibaan Zakariye Xaaji Maxamuud, oo kulan uga qeybgalaayay xarunta Villa Hargeysa ayaa sheegay in sababta uu mooshinka uu u saxiixay ay aheyd  in uu ka carooday Go’aano ay mudo laba bil ka hor ah ka soo saaren shirkii Madaxda maamul goboleedyada kaas oo uu u arkay in ay ku xadgudbeen xuquuqda dastuuriga iyo midda Umadda Soomaaliyeed.

Xildhibaan Zakariye Xaaji, oo kamid ahaa Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Jawaari, ayaa hadana sheegay inuu dib uga laabtay Mooshinka, isagoo sababta ku sheegay inuu ku qanacsan yahay in Golaha Shacabka ay ansixiyeen xeerkii dalka looga mamnuucay Shiradda DP World.

Xildhibaanku waxa uu cod dheer ku sheegay in xiligaan aan lagu tirinkarin Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Guddoomiye Jawaari, sidaa aawgeedna uu xal raadin ugu jiro sida lagu qaboojin lahaa mooshinka taagan.

Wuxuu sheegay in iminka uu ogaaday in Xukuumaddu ay weerar iyo culeys soo saartay Golaha Shacabka, balse  mooshinku uusan aheyn mid ku socda Jawaari sidaasna uu uga laabtay mooshinkii uu saxiixay.

‘’Anigu waxaan halkaan ka qirayaa inaanu qeyb ka aheyn Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Jawaari, waxaan kamid ahay samadoonada ka shaqeynaaya in la qaboojiyo Mooshinka’’

Si kastaba ha ahaatee, hadalka Xildhibaan Zakariye Xaaji Maxamuud ayaa cadeynaya mad madowgii ku jiray mooshinka Jawaari laga keenay in ay ku lug leedahay Xukuumadda.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com